Geeraar Jaceyl – 18+ geeraar oo macaan Better. Part:1
Maad doonaysaa inaad hesho geeraar jacayl. Gaar ahaan kuwo amaan dumar ah oo macaan?.
Waa habka ugu fudud eed ku soo-jiidan karto dareenka ruuxa aad jeceshay. Hadaba lamaanahaada u dir geeraar jaceyl. Gaar ahaan kuwa aan kula-wadaagi doono.
Waxaa kale ood ka-helaysaa goobtan. Fariimo jaceyl oo soo jiidasho leh. erayo jaceyl ah oo macaan iyo amaan dumar oo qalbiga gacalisadaada taabanaya,
Markuu jacaylku nagu-dhaho, waxaan raadinaa geeraar jacayl. Oon ku hanan karno qalbiga lamaanaheena, siiba kuwa 2024. fadalan u dir lamaanahaaga geeraaradan. Anaga ayaa kula-wadaagayna geeraar jacayl oo amaan dumar ah.
1. Geeraar jacayl oo macaan
• Waxaa tahay midaan doortay.
• Dumar aan ka caashaqay.
• Dookhaygu raacay.
• Dahabiyo luul.
• Waxaa tahay midii ka-darnayd.
• Dhab ahaantii ma-jiro.
• Midaan kugu doorsan karo.
• Waxaa tahay qayb kamid noolashayda.
• Waxaa tahay farxadayda.
• Waxwalba ayaad ii tahay.
• Waana ku jeclahay.
2. Geeraaro jacayl oo amaan dumar ah
• Geenyadaan doortaay.
• Gibilkeeda markaan arko.
• Oo gacanteeda qabsado.
• Galgaceylka aan dareemayo.
• Gees-walba dunida.
• Iney gilgishaan waxyar.
• Ayaa ka-dhiman.
• Galgaceylka ma-gaboobo.
• Ma-gambado guntiga hoose.
• Ayuu gabaad ka-dhigtaa wadnaha.
3. Geeraar jacayl oo soo jiidasho leh
• naftu way kuu xiistaa.
• Wayna ku jeceshahay.
• Hana ka-dheeraan waligaa.
• Waxaa tahay aragaygi.
• Mustaqbalkaygi ayaa tahay.
• Waxaa tahay iftiinki noolashayda.
• Ma-jiro waxaan adiga kugu doorsanayo.
• Mana-jiro cidaan adiga kula-meel dhigayo.
4. Geeraar jacayl oo qalbiga taabanaya
• Bisayliyo xiiso raagay.
• Qofki baday sawma-baahna.
• Bukaan galgacayl bastiiya.
• Cidii baday saw uma baahna.
• Akhyaar kala-baadiyawday.
• Bariidada sawma-doonto.
• Bartuu kalgacayl fadhiistay.
• haduuboholyow ku-raago.
• Jaceylkaaga hantiya.
• Horjoogaagaa farxada.
• Anigu waan kaa helaa.
• Hubaal waan kula-hayaa.
• hamiga waan kugu hayaa.
• Waan ku-hanan oo hoy ku-gayn.
5. Amaan dumar oo jaceyl ah
• Xajiin li’I qof wax xeersha.
• Xogaal safaqi xaseeya.
• Xilqaada xasuusa dhawra.
• Xaq-sheegta xifaaltan diida.
• Xis-deeqda dareenka xooja.
• Xul baad tahay, nool xagayga.
• Xayn-daab dhaqanki ma xoorta.
• Hadana xoroo xumayra.
• Damiir xidhoo, ruux xambara.
• Xamdiyoo dambigeed rabigeed la-xaala.
• Xumaan iyo godob xabaal.
• Xan-dhiidhiya, xeer ma-jiidha.
• Xishood dhaba, xagu hagoogta.
• Xigaal I xigaay xayaati.
• Xilaa tahay, xaas la-yeesho.
• Xaqlaha wadnahaay, xanaano.
• Xalaan godlay xiisihiiye.
• ohoo dhan xabiibi, xoorkan.
• Qof xooliyo xaalad gaara.
• Ku xidhin, iney xiiso qaado.
• Xadaariyad weedha xoogin.
• Xaajalay xubin dooda siisa.
• Xisaabtama aan xaraamin.
• Xod-xodis iyo hadal xashiisha.
• Xumbiyo xigog kuma xaraafa.
• Kolkaan xumadiyo xanuunsto.
• Xarbiga ruux ila xumaado.
• qof ii xaliloo xumoodin.
• Laab xunsholey aan xanaaqin.
• Dulqaad xaasladaay xabiibi.
• Xikmadan hoo igu xasuuso.
6. geeraar jacayl oo amaan dumar ah
• Qiyaas in kugu haboo.
• Qureysh baa tahay ogow.
• Dumar qiimahoodana.
• wanaag iyo quruxba.
• Cidna kulama qaybsatoo.
• Adaa qaatay kaligaa.
• Qurux lagu daray hannaan.
• Heybad lagu helo amaan.
• Aqoon lagu saday hufnaan.
• Naxariis hiiliyo mudnaan.
• Hogaaminiyo gacan furnaan.
• fatxa hablaha dhamaan.
• Aduunyada u ah hogaan.
• Adaa kaligaa ideeqay.
• Kalsooni adaa isiiyay.
• Adaan kaa helay jecaylka.
• Kol-hore adaa i-yeeshay.
• Adaa ka farxiyay kashayda.
• adaa noolashayda kaaba.
• Dareenkaana kula shaqeeya.
• Niyaduna kaligaa ku jeclaatay.
• Hadii kumanaan hortayda.
• Kartiyo mid lacag sheegtaba.
• Aqoon heer ugu sareysa.
• La-keeno hortayda.
• adigaa ka fiican.
• Adaan galgacayl kuu qaday.
• Adaan kuligood gayaanka.
• Adaan kugu qoray bogayga.
• Majiro kaalintaada.
• Ama kolnimadaada buuxin kara.
7. Geeraar jaceyl oo macaan badan.
• Dawadaydiyeey hoo. Dhaayahaygiyey maqal.
• Dhabtii ruux ku doortoo. Dhamigeed aduunyada.
• Dhaayihiisa kaa jecel. Dhigaa adigaa aadmiga.
• Kaala soo baxaan ehee. Sida dhayda caanaha.
• Ama dhibic aroor timid. Aadmigu u dhowrtaan.
• Ayaad iila dhigan tahee. Dhabta hooyo ku saartaa.
• Kugu dhashay dhalaalkee. Dhibta ruux aad u diida.
• Kuu jecel dhalaankee. Ku dhawrtay sidaydi.
• Dhaxal weeyo caashaqu. Dhamayso guri ma’aadnaa.
• Dhidibada ma u-adkaynaa. Dhaxal yeesha jaceyliyo.
• Dhabta ma isa-saarnaa. Dhamideeda aduunyada.
• Dhaayo ma u noqonaa. Dhibta hadalka keeniyo.
• Inta dhurata waanada. Dhaxal maysku-siinaa.
• Dhab-baan kuu jeclahay. Dhamays guri ma-aadnaa.
PART:2 Halkan riix
QORAY: Khalit muztava.🤓
---DHAMAAD.
Share this post